Barcelona OO Ogaatay Xaalada Lamine Yamal Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Lamine Yamal oo u ciyaara kooxda Barcelona ayaa ka fogaaday dhaawac halis ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay Spain 1-0 kaga badisay Denmark fiidnimadii Sabtida.

Barcelona ayaa ka walaacsan xaalada xiddiga da’yarka ah kaas oo dhaawac uga baxay kulankii Nations League.

Yamal oo 17 sano jir ah ayaa haatanba ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda iyo waliba xulkiisa.

Kooxda Barcelona ayaan wali shaacin in uuna xiddigu diyaar u noqon doono kulanka Sevilla ee Axada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga