WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Qarniga 21-aad Ka Dhaliyay Saddexleyda Ugu Badan Kubada Cagta

Xidigii hore ee kooxaha Barcelona,Real Madrid iyo Liverpool ayaa ka mid ah 10-ka ciyaartoy ee ugu badan ee xirfaddooda saddexley ka dhaliya qarnigan 21-aad.

Ciyaartoyda intooda badan way nasiib badan yihiin haddii ay dhaliyaan hal saddexley kaliya xirfaddooda oo dhan, laakiin si aad liiskan uga soo baxdo, waxaad u baahan tahay ugu yaraan 18 saddexley.

Iyada oo la isticmaalayo xogta Transfermarket waxa la Soo saaray xiddigaha saddexleyda Ugu badan Ka dhaliyay kubada cagta qarniga 21-aad.

1.Cristiano Ronaldo – 60

Xitaa marka la iska indha tiray goolashii uu Ronaldo dhaliyay waqtigiisii Al-Nassr ee Sacuudi Carabiya, wuxuu weli yahay xiddiga hogaaminaya liiska.

2.Lionel Messi – 57

Xili ciyaareedkii ugu wacnaa ee Messi ayaa yimid xilli ciyaareedkii 2011-12 isaga oo u dhaliyay 73 gool tartamada oo dhan kooxda Barcelona. Intii lagu jiray ololahaas oo keliya waxa uu dhaliyay 8 saddexley.

3.Robert Lewandowski – 33

Lewandowski Ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay xirfadiisa ciyaareed.

36 jirkaan ayaa dhawaan dhaliyay seddexleydiisii 33-aad ee xirfadiisa kulankii Alaves halkaas oo ay ku qaadatay kaliya 32 daqiiqo inuu dhaliyo goolkiisii seddexaad ee ciyaarta.

4.Luis Suarez – 29

Xiddiga Ayaa dhalin Kara gool kasta waxana uu xirfadiisa dhaliyay 28 saddexley.

5.Erling Haaland – 24

6.Harry Kane – 24

7.Kylian Mbappe – 19

8.Mario Gomez – 18

9.Klaas-Jan Huntelaar – 18

10.Sergio Aguero – 18.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga