Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Calafiori Iyo Saka Ka Hor Kulanka Atalanta.

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddigaha Riccardo Calafiori & Bukayo Saka ka hor kulanka ay Khamiista la ciyaari doonaan Atalanta Champions League.

Arsenal ayaa tartanka champions League ku bilaaban doonta kulan ay la ciyaari doonto kooxda Atalanta.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka galaysa iyada oo wajahaysa walaac dhinaca taam ahaanshaha ah.

Xiddigaha Riccardo Calafiori & Bukayo Saka ayuu shaki ku jiray taam ahaanshohooda kadib markii uu midkood gabi ahaan seegay kulankii Tottenham halka midka kale uu kulankaas dhaawac kaga baxay.

Laakiin waxa ay u muuqataa in ay Arsenal ciyaarsiin karto xiddigaha Calafiori & Bukayo Saka kulanka Atalanta.

Labada xiddig ayaa ka soo muuqday tababarka kooxdooda ka hor kulanka ay Khamiista la ciyaari doonaan kooxda Atalanta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga