Slot Oo Xaqiijiyay In Uu Chiesa Ciyaari Doono Kulamada.

Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa soo jeediyay in xiddiga heerka caalami ee dalka Italy Federico Chiesa uu diyaar u yahay inuu ku bilowdo kulamada kooxdiisa kadib markii uu kulankii ugu horeeyay ciyaaray kulankii Liverpool ka badisay kooxda Ac Milan tartanka champions League.

Laacibkii hore ee Juventus ayaa badal ku soo galay kulankii ka dhacay San-Siro isaga oo lagu badalay Mohamed Salah.

Chiesa ayaa soo qaatay wakhti adag intii uu joogay Juventus isaga oo aan xitaa isku diyaarintii xilli ciyaareedka kala qayb galin Juventus.

“Waxaan filayaa inaan arki doono ciyaartoy badan oo aan maanta ciyaarin ama kulamada kale mustaqbalka, Chiesa wuu soo fiicnaanayaa”ayuu Slot yidhi.

“Wakhti adag ayuu soo qaatay isku diyaarintii xilli ciyaareedka sababta oo ah kooxda 1-aad tababar lama qaadan”.

“Maalin kasta wuu soo fiicnaanayaa, waxa uu u baahanyahay daqiiqado laakiin waxa uu la kulmi doonaa tartan adag maadama aan haysano xiddigo fiican oo garabka ka ciyaara”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga