Cristiano Ronaldo Oo Fariin U Diray Erik Ten Hag.

Cristiano Ronaldo ayaa kula taliyay tababaraha Manchester United Erik ten Hag inuu dhageysto talada kaaliyaha Ruud van Nistelrooy.

Iyada oo qayb ka ah dib-u-dhiska kooxda, waxa lagu sameeyay is badal shaqaalaha tababarka ka hor bilaabashadii xilli ciyaareedka.

Man United ayaa guul ku bilaabatay premier League iyaga oo ka badiyay kooxda Fulham todobaadkii ugu horeeyay laakiin Man United ayaa laga badiyay kulamadii xigay ee Brighton iyo Liverpool.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa wajahaya cadaadis xoogan kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Liverpool.

Isagoo ka hadlayay Rio Ferdinand, Ronaldo ayaa u sheegay Ten Hag in uu wax ka dhagaysto halyeeyada kooxda, gaar ahaan Van Nistelrooy oo uu u magacaabay caawiyihiisa horaantii xagaaga.

Ronaldo ayaa yiri: “Haddii Ten Hag uu dhageysto Ruud, malaha wuu is caawin karaa, waxaan qabaa inay wax badan caawin karto, sababtoo ah wuu garanayaa kooxda, kooxduna waa inay dhageysato wiilasha halkaas joogay”.

“Adiga [Rio] ama Roy Keane ama Paul Scholes ama Gary Neville, wax kasta ha noqotee, Sir Alex Ferguson, dib uma dhisi kartid naadi aqoon la’aan. Ma aha nimanka xafiiska ka shaqeeya”.

“Dadka fahmay kubada cagta waa 900% dadka jooga qolka Labiska, way garanayaan sidii ay ula dhaqami lahaayeen xiddigaha, waa dadka fahma waxyaabahaas oo kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga