Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Dalabkii Manchester United ee ahaa in Jarrad Branthwaite ay kala soo wareegto Everton ayaa laga yaabaa inay caawisay iyadoo Toffees ay ku dhowdahay inay soo xerogeliso Jake O’Brien oo ay kala soo wareegayso Lyon (Fabrizio Romano).

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa isha ku haya inuu daafaca kooxdiisa ku soo daro xiddiga Juventus ee Gleison Bremer xagaagan, inkastoo xiddiga reer Brazil uu qandaraas ilaa 2028 ah kula jiro kooxda reer Talyaani (TEAMtalk).

Kalvin Phillips ayaa ku wargaliyay Manchester City inuu doonayo inuu si joogto ah uga tago kooxda. Kooxaha Premier League ee Everton iyo Aston Villa ayaa ka fiirsanaya inay amaah ku helaan xiddiga heerka caalami ee dalka England (Football Insider).

Barcelona ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda PSG kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga Nico Williams kuwaas oo ka shaqeynaya sidii ay ula soo wareegi lahaayeen garabka Athletic Club (RMC).

PSG ayaa ku dhaw in ay Benfica heshiis buuxa la gaarto xiddiga reer Portugal ee Joao Neves kaas oo qarka u saaran in uu heshiis shan sano ah u saxiixo kooxda heysata horyaalka France (Fabrice Hawkins).

Arsenal ayaa laga yaabaa inay bartilmaameedsato xiddiga reer Argentina Ezequiel Fernandez si uu u noqdo badalka Thomas Partey (Football London).

Riccardo Calafiori ayaa u duulay London isagoo ku sii dhawaanaya inuu u wareego Gunners ka dib markii uu wacdaro ka dhigay Bologna Serie A iyo Italy xagaagii (Fabrizio Romano).

Manchester United ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato xiddiga Spain kula guulaystay Euro 2024 ee Martin Zubimendi, laakiin heshiis kasta ayaa noqon doona mid adag inkastoo lagu burburin karo 51 milyan maadama uuna doonayn in uu ka tago kooxda Real Sociedada (Fabrizio Romano).

Xidigga kale ee Spain ee ay Man Utd isha ku heyso waa xiddiga RB Leipzig Dani Olmo, laakiin wuxuu doorbidayaa inuu ku biiro Barcelona xagaagan (Sport).

Manchester City ayaa doonaysa in ay heshiis wakhti fog ah kula soo saxiixato xiddiga Jamal Musiala si uu u noqdo badalka mustaqbalka fog ee Kevin De Bruyne (Christian Falk).

Xiddiga Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaan wax heshiis ah la gaarin Real Madrid si uu qaab xor ah ugu wareego sanadka 2025 (Bild).

Gabriel Jesus ayaa xiiso ka helaya kooxaha ka dhisan Saudi Pro League, laakiin Arsenal ma rabto inay iska iibiso weeraryahanka reer Brazil (Football Insider).

Newcastle United ayaa kalsooni ku qabta inay sidoo kale joojin doonto horumarka Liverpool ee Anthony Gordon, halka Magpies ay raadineyso in ay la soo wareegto xiddiga (TEAMtalk).

Chelsea ayaa la filayaa inay soo gabagabeyso saxiixa goolhayaha Villarreal Filip Jorgensen isbuucaan, iyadoo heshiisku haatan yahay mid aad u dhaw in la dhamaystiro (Fabrizio Romano).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga