Man United Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixii 3-aad Ee Suuqa Xagaaga Saacado Kadib Markii Ay Dhamaystirtay Saxiixa Yoro.

Kooxda Manchester United ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee PSG Manuel Ugarte, sida uu wariyay Fabrizio Romano.

Romano aya xaqiijiyay in ay Man United heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Mauel Ugrate si ay u dhamaystirto heshiiskiisa.

Saxafiga ayaa sheegay in uu xiddigu diyaar u yahay in uu ku biiro Man United xitaa hadii ayna ka qayb galayn champions League.

Waxa uu intaas ku daray in wadahadalada labada kooxood socdaan iyada oo xiddigu la wakiil yahay daafaca cusub ee Leny Yoro oo kooxda kaga soo biiray Lille.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa u baahan in ay haata xiddigo iska iibiso si ay ula soo saxiixato xiddigo kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga