Chelsea ayaa ku dhow inay heshiis shaqsi ah la gaarto Jhon Duran, laakiin ku biiristiisa Blues waxa ay dhici doontaa kaliya hadii ay chelsea heshiiska ku darto mid ka mid ah xiddigeheeda.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Colombia Duran ayaa si aad ah u doonaya inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge ka dib hal xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Villa Park halkaasoo uu ka caawiyay kooxda Unai Emery inay u soo baxdo Champions League.
Chelsea ayaa doonaysa in ay kooxdeeda ku soo darto weeraryahan cusub xagaagan si ay ugu taageerto xiddigaha Christopher Nkunku iyo Nicolas Jackson.
Kooxda chelsea ayaa xooga saaraysa saxiixa Duran laakiin Aston Villa ayaan ku qanci doonin lacag kaliya in ay ku iibiso xiddiga 20 jirka ah.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Roman, Aston Villa ayaa doonaysa in ay chelsea ugu yaraan hal xiddig ku darto heshiiska si ay uga iibiso xiddiga.
Be the first to comment