Mbappe Oo Oo Shaaciyay Wakhtiga Uu Go’aamin Doono Mustaqbalkiisa PSG.

Kylian Mbappe ayaa daaha ka qaaday inuu rajaynayo in mustaqbalkiisa kubbada cagta ee kooxda la go’aamiyo ka hor bilawga Euro 2024 ee Germany xagaagan.

Isaga oo sii galayo wakhtigii uu dhacayay heshiiskiisa kooxda PSG waxa jirta hadal hayn weyn oo ku saabsan mustaqbalkiisa iyo halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Tan iy markii uu PSG ku soo biiray sanadkii 2017 waxa uu Mbappe u dhaliyay kooxda 250 gool isaga oo 5 jeer kula guulaystay horyaalka France

“Ma hayo wax aan ku dhawaaqo, laakiin waxaan filayaa in mustaqbalkayga la xalin doono ka hor Euro,” ayuu Mbappe yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga