Miyuu Trent Alexander-Arnold Taam U Noqon Doonaa Kulanka Man United?

Daafaca midig ee kooxda Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo waramayaa inuu ku socdo wadadii uu diyaar ugu noqon lahaa kulanka adag ee Premier League ee bisha soo socota ay la ciyaari doonaan Manchester United.

25 jirkaan ayaa haatan ku maqan dhaawac jilibka ah oo soo gaaray sanadkan, isagoo markii ugu horeysay is dhaawacay intii lagu guda jiray Kuankii ay ka badiyeen Arsenal kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Alexander-Arnold ayaa si deg deg ah uga soo kabtay dhaawaca laakiin waxa uu mar kale dhaawacmay kulankii Burnley ee 10-Kii February waxana uu ka maqan yahay kooxda tan ilaa wakhtigaas.

Alexander-Arnold ayaa fadhiistay mid kasta oo ka mid ah 11-kii kulan ee Liverpool ee tartamada oo dhan sababo la xidhiidha walaacii ugu dambeeyay ee uu qabay taas oo sidoo kale ka hor istaagtay in uu ka mid noqdo xulka qaranka England ee March ee bishan ay la ciyaarayaan xulalka Brazil iyo Belguim.

Maqnaanshaha kabtan ku xigeenka ayaa u ogolaatay Conor Bradley in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga