Arsenal Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Brentford Horyaalkana Kala Wareegtay Liverpool

Arsenal ayaa guul adag ka gaartay kooxda Brentford, waxayna kaga adkaatay 2-1, ciyaar ka tirsaneyd tartanka horyaalka Ingiriiska.

Goolka ciyaarta oo uu martigeliyay garoonka Emirates Stadium ayaa ku bilaawday gool uu dhaliyay xiddiga reer England Declan Rice daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta.

Goolka ayaa yimid ka dib markii uu si fiican u soo karoosay Ben White, Rice ayaana shabaqa soo taabtay waxana uu gool u badalay fursadii cajiibka ahayd.

Ciyaaryahanka reer Congo ee Yoan Wissa ayaa daqiiqadii 45-aad+4 u suurta-gashay in uu goolka barbaraha u keeno kooxda Brentford kadib qalad xun oo uu sameeyay goolhaye Aaron Ramsdale.

Ciyaaryahan Kai Havertzayaa daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta ku guulaystay in uu Arsenal udhaliyo goolkii qaaliga ahaa kadib markii uu kubbad cajiib ah ka soo karoosay Ben White,havertz ayaa si fiican shabaqa u dhexdhigay kubada.

Ka dib guushii ay ka gaareen ciyaartii maanta, dhibcaha Arsenal ayaa sare u kacday, iyadoo fadhisa kaalinta koowaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska, iyadoo hal dhibic ka sarreysa Liverpool.

Arsenal waxa ay wareega xiga kula ciyaari doontaa Manchester City garoonka Etihad Stadium 31ka March, halka Brentford ay kula ciyaari doonto kooxda Burnley sabtida soo socota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga