WARBIXIN: Xiddigaha Fursadaha Ugu Badan Khasaariyay Premier League Oo La Soo Saaray & Haaland OO Hogaaminaya.

Waxa laga yaabaa inuu yahay gooldhaliyaha ugu fiican adduunka, laakiin Erling Haaland ayaa sidoo kale ah ninka lumiyo fursado ka badan weeraryahan kasta oo kale.

Xiddiga Haaland ayaa inta badan lagu qiimeeyaa in uu yahay Weeraryahanada ugu saamaynta badan waxana uu dhaliyay goolal badan horyaalka premier League.

Xogta la helay ayaa muujinaysa in uu xiddiga reer Norway yahay xiddiga khasaariyay fursadaha ugu badan premier League xilli ciyaareedkan.

Haaland ayaa kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu ka badisay Man United khasaariyay fursad aan la rumaysan karin.

Guud ahaan Haaland ayaa ilaa haatan khasaariyay 26 fursadood oo waaweyn ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga ayaana hogaaminaya.

Waxa ku xiga xiddiga Kooxda Liverpool ee Darwin Nunez ayaa dhinaciisa khasaariyay 21 fursadood oo gool ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga Aston Villa ee Ollie Watkins Ayaa ku xigay isaga oo khasaariyay 18 fursadood.

Halkan Kaga Bogo Xiddigaha Fursadaha ugu badan khasaariyay premier League ilaa haatan:

  1. Erling Haaland – 26
  2. Darwin Nunez – 21
  3. Ollie Watkins – 18
  4. Nicolas Jackson – 15
  5. Rasmus Hojlund – 12
  6. Dominic Calvert Lewin – 12
  7. Alexander Isak – 12
  8. Dominic Solanke – 10

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga