5 Ciyaartoy Oo U Baahan In Ay Isaga Tagaan Liverpool Suuqa Xagaagan.

Liverpool ayaa galaysa wakhti cusub iyada oo Arne Slot uu hogaamin doono kooxda 1-aad ee Reds.

Waxa soo dhamaaday ku dhawaad 9 sano oo uu Klopp hogaaminayay kooxda si kasta ha ahaatee xiddig kasta kama qayb ahaan doono wajiga cusub ee kooxda Liverpool.

Waxa jira xiddigo u baahan in ay isaga tagaan kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa 5 xiddig oo u baahan in ay isaga tagaan Reds suuqa xagaaga.

Caoimhin Kelleher:

Goolhayahan ayaa ahaa mid muhiim u ah Reds xilli ciyaareedkii hore marka uu Alisson dhaawac ku maqan yahay isaga oo kooxda u ciyaaray kulamo badan.

Inkasta oo ayna Liverpool doonayn in ay iska iibiso xiddiga hadana Goolhayaha ayaa doonaya in uu ku biiro koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Fabio Carvalho:

Waa xiddig aan boos ka helin kooxda Liverpool intii uu hogaaminayay Klopp waxana uu amaah ku baxay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga ayaa ku soo laabtay Laakiin waxa ay u badantahay in uu isaga tago kooxda Liverpool xagaagan hadii uuna boos joogto ah ka heli doonin kooxda.

Nat Phillips

Rhys Williams

Sepp van den Berg

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga