10-ka Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Bar-Baro La Gashay Celta Vigo

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro niyad jab leh ka gaadhay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan hoyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Los Blancos si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta badiyaan.

Daqiiqadii 3-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joselu kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Rayo Vallecano ayaa bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha ay doonayeen in ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Vallecano ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana rikoodhe gool u badalay xiddiga Raul de Tomas kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa ay Real Madrid la kulantay war xun daqiiqadii 90+5aad kadib markii kaadhka cas ee toos ah loo taagay daafaca Dani Carvajal

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid bar-baro la gasho kooxda Rayo Vallecano.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga