Xulka Qaranka Brazil Oo Garaacay Xulka England.

Xulka qaranka Brazil ayaa garaacay xulka England kulan ka tirsanaa kulamada saaxiibtinimooyinka ee labada xul.

Kulanka ayaa ku dhamaaday mid uu xulka Brazil ku badiyay 1/0 kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Kulanka ayaa ahaa mid ah labada xul si taxadar leh u ciyaarayay laakiin xulka Brazil ayaa ahaa xulka Fiican.

Xulka Brazil ayaa helay fursado badan oo muhiim ah iyada oo xiddigaha Vini Jr Iyo Rodrygo kuwaas oo hogaaminayay weerarka Brazil.

Goolka 1-aad ee ciyaarta ayaa yimid qaybtii dambe kadib markii uu dhaliyay xiddiga Endrick kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Kadib guushaas xulka qaranka Brazil ayaa gaadhay guul qalbi dhis ah ka hor bilaabashada tartanka Copa America bilo kadib.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga