Arsenal, Liverpool Mise Man City? Sven-Goran Eriksson Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Sven-Goran Eriksson ayaa ku taageeray Liverpool inay ku guulaysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana uu aaminsan yahay in Jurgen Klopp uu u qalmo amaan weyn qaabkii uu u maareeyay da’yarta kooxda bilihii u dambeeyay.

Kaliya farqiga goolasha ayaa Liverpool ka soocaya kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Arsenal iyada oo toban kulan ay ka hadhsan yihiin xilli ciyaareedka iyada oo Klopp qaadanayo xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay.

Iyada oo xiddigo muhiim ah ka maqan yihiin kooxda Liverpool Klopp ayaa inta badan ku tiirsanaa xiddigaha da’yarka ah.

Tababarihii hore ee England Eriksson, oo ah taageere Liverpool ah ayaa si weyn ula dhacsan shaqada uu Klopp qabtay, waxaana la saadaaliyay in tababaraha Jarmalka uu gacantiisa ku qaban doono koobka Premier League mar labaad bisha May.

Markii la weydiiyay haddii Liverpool ay ku guuleysan karto seddexleey xilli ciyaareedkan waxa uu ku jawaabay”Ma Garanayo”.

“Hagaag, waxaan qabaa in Liverpool ay ku guuleysan doonto horyaalka. Ma qaadi karaan FA Cup, nasiib darro”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga