Xiddigaha Man United Oo Kubada U Diiday Rasmus Hojlund & Sababta Oo La Ogaaday

Ciyaartoyda Manchester United dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka caga jiidayaan inay baas u dhigaan xiddiga Rasmus Hojlund iyada Oo xiddigu ku Hor dhibaatoonayo goolka hortiisa.

United ayaa 72 milyan ginni kula soo saxiixatay xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark iyaga Oo kala Soo wareegay kooxda Atalanta waxana uu dhaliyay 15 gool tartamda oo dhan.

21-sano jirkaan ayaa dhaawac soo gaaray waxana uu ku dhibaatoonayaa qaab ciyaareedka tan ilaa markii uu Soo Laabatay isaga Oo Hal gool dhaliyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Goolkaas waxa uu ka horyimid Sheffield United bishii April,

Waxaa hadda soo baxday in dhowr ciyaaryahan oo United ah aysan ku qancin Hojlund waxana ay ka cago jiidayaan in ay kubada u dhiibaan.

Taasi waa sida laga soo xigtay Manchester Evening News oo sheegaysa in xiddigo dhowr ah ay ka walaacsan yihiin dhibaatada xun ee Hojlund ee goolka hortiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga