David Raya Oo Sameeyay Wax Aanu Xiddig Arsenal Ah Samayn Muddo 30 Sano Ah Premier League.

Goolhayaha kooxda Arsenal David Raya ayaa qabtay shaqo uuna xiddig Arsenal ah qaban muddo 30 sano ah kadib guushii 1/0 ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay Man United Premier League.

Kooxda Mikel Arteta ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka Premier League kadib markii ay guul muhiim ah ka gaareen Old Trafford.

Ciyaaryahan Leandro Trossard ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta,iyadoo Arsenal ay ciyaarta maamuleysay qeybta labaad si ay u badiso kulanka.

Goolhaye Raya ayaa xilli ciyaareedkan shabaqiisa laashaday kulamo badan waxana uu door ku lahaa guulaha kooxdiisa.

Kulamada uu shabaqa ilaashaday waxa mid ahaa in uu shabaqiisa ka ilaashado kooxaha reer Manchester ee Man United Iyo Man City kulamadii ay ku ciyaareen garoomadooda.

Sidaas darteed Raya ayaa noqday Goolhayihii ugu horeeyay ee Arsenal u ciyaara ee shabaqiisa ka ilaashada Man United Iyo Man City kulamada garoomadooda xilli ciyaareed kaliya tan ilaa 1992/1993 markaas oo uu David Seaman sidaas sameeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga