Miyay Aurelien Tchouameni & Eder Militao Ciyaari Karaan Final-ka Champions League.? Ancelotti Ayaa Ka Jawaabay.

Carlo Ancelotti ayaa ka warbixiyay xaalada xiddigaha Aurelien Tchouameni iyo Eder Militao ka hor final-ka tartanka champions League.

Xiddiga Aurelien Tchouameni ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa sabab la xidhiidha dhaawac.

Isagoo ka hadlayay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska, wuxuu ku jawaabay: “Ma haysto xulashooyin badan, laakiin looma saarin finalka”.

Ancelotti ayaa sidoo kale ka hadlay heerarka taam ee Militao, wuxuuna ku daray: “Weli wakhti ayuu u baahanyahay si uu u helo taam ahaanshaha ugu fiican”.

Tchouameni ayaa shaka weyn ku jiraa kulanka Final-ka champions League kadib dhaawac soo gaadhay kulankii Bayern.

Si kasta ha ahaatee Militao ayaa fursad u haysta in uu ciyaaro kulanka maadama uu ku bilowday 3-dii kulan ee ugu dambaysay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga