Xiddig U Ciyaara Man United Oo Dalbaday in uuna Ciyaarin Kulankii Final FA Cup-ka Oo La Ogaaday

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ayaa u sheegay Erik ten Hag inuusan dooneynin inuu qeyb ka noqdo finalka FA Cup ee ay la ciyaarayaan Manchester City sababtoo ah dhaawac fudud oo soo gaaray.

Xiddiga reer Brazil ayaan 100% taam ahayn laakiin waxa uu uu ku Bilowday kaydka markii ay kooxdu gudbisay liiska kulanka.

Laakiin tababaraha ayaa ku qasbanaaday in uu xiddiga ka Soo Saaro kulanka Kadib markii uu codsaday in aanu ka qayb ahaan kulanka.

BBC Sport ayaa ku warameysa in xiddigii hore ee Real Madrid uu u sheegay ten Hag inuu dareemayo xanuun dhinaca muruqa ah.

Casemiro ayaa ku dhibaatooday xilli ciyaareedkiisii 2-aad ee Man United isaga Oo xitaa daafaca dhexe ka ciyaaray kulamada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga