DEG-DEG: Liverpool Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Badalka Jurgen Klopp.

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo toos ah la samaysay tababaraha Kooxda Feyenoord ee Arne Slot si ay ugu badalaan Jurgen Klopp.

Liverpool ayaa suuqa ugu jirta badalka Jurgen Klopp kaas oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Liverpool wadahadalo Rasmi ah la furtay tababare Arne Slot si uu u badalo Klopp.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay kooxdu u balansantahay in ay wadahadalo kale la yeelato tababaraha saacadaha soo socda.

Arne Slot ayaa kooxdiisa Feyenoord ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka Holland waxana ay ku guulaysteen todobaadkan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga