Xiddigaha Man United Oo Haatanba Og Wakhtiga Ten Hag La Caydhin Doono.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa filaya in Erik ten Hag la ceyriyo dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Wargayska Ingariiska ayaa ku waramaya in kooxda Man United ay aqbashay in ay ku dhawdahay in aysan suurtogal ahayn in Ten Hag uu sii joogo kooxda ilaa xilli ciyaareedka 2024-25.

Imaanshaha Sir Jim Ratcliffe oo ah Milkiilaha saamiga yar ayaa lagu soo waramayaa in uu masuul ka ahaan doono saxiixyada iyada oo taas keenaysa in uu tababaruhu lumiyo awoodiisa.

Daily Mail ayaa ku warameysa in rajada kaliya ee uu Ten Hag ku sii joogi karo kooxda ay tahay in uu kooxda ku hogamiyo ku guuleysiga FA Cupka iyo u soo bixitaanka Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo United ay 11 dhibcood ka hooseyso kaalinta afaraad, lix dhibcoodna ay ka hooseyso Tottenham oo ku jirta shanaad (iyagoo ciyaaray kulan ka badan), fursadaha u soo bixista Champions League waa mid aad u yar.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga