Barcelona Oo La Xidhiidhay Tababare Premier League Ah, Waa Mid Kooxda Horay U Soo Joogay

Barcelona ayaa wacday Mikel Arteta, sida uu sheegay Alex Pintanel ee Relevo.

Catalans waxay ka warqabtaa in ay adkaan doonto saxiixa tababare Arteta dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Barcelona iyo Agaasimaha kooxda ee Deco ayaa tageere u ah tababaraha Arsenal.

Horraantii sanadkan, Arteta laftiisu wuxuu ku tilmaamay wararka xanta ah ee ku saabsan ka bixitaankiisa xagaaga ‘been abuur’. Waxyaabuhu way is badali karaan iyadoo ku xidhan sida ay Gunners u dhamaysato xilli ciyaareedka.

Mikel Arteta ayaa seddex koob kula guuleystay Arsenal tan iyo 2019, isagoo si tartiib tartiib ah kooxda Premier League ka dhigay kuwo ku tartama horyaalka premier League sanadihii ugu dambeeyay.

Shaqada fiican ee uu ka qabtay Arsenal ayaa heegan galisay kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya in ay ka dhigaan badalka Xavi.

Ciyaaryahan ahaan, Arteta wuxuu ka mid ahaa Barcelona 1997 ilaa 2002.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga