XASAASI: Mikel Arteta Oo Albaabka U Furay Barcelona

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu Tababare ka noqdo Spain mar uun xirfadiisa ciyaareed.

Ka dib markii uu kabaha iska siibay 2016, Arteta waxa uu xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay Manchester City, ka hor inta aanu ku soo laaban Arsenal si uu u bilaabo safarkiisa Tababare kooxda 1-aad December 2019.

Arteta Ayaa Arsenal ku hogaamiyay Fa Cu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Halka uu Haatan kooxda ka dhigay kuwo xilli ciyaareedkii 2-aad u tartamaya horyaalka premier league.

Shaqada fiican ee uu hayo ayaa Soo jiidatay kooxda Barcelona kuwaas bilowgii sanadkan xiiso u muujiyay.

Arteta Ayaa haatan muujiyay in uu rabo in uu Tababare u noqdo kooxda Barcelona.

“Waxaan waligey ku fikiri jiray in maalin uun ku laaban doono Spain”.

“Gurigaygu wuxuu i soo jiitaa wax badan, habka nolosheenna, isu imaatinka, dhaqanka – taasina waxay la macno tahay inaan had iyo jeer ku hayo madaxayga”.

“Laakin halkaan waan ku faraxsanahay, waana ku faraxsanahay sida ay iila dhaqmaan, runtiina waan ku raaxaystaa shaqadayda, laakiin maalin maalmaha ka mid ah waxaan u maleynayaa inay imaan doonto, ma maqnaan doono noloshayda oo dhan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga