XASAASI: Man United Oo Laga Ganaaxi Karo Europa League & Sababta Oo La Ogaaday.

Manchester United ayaa laga yaabaa in laga ganaaxo tartanka Europa League xilli ciyaareedka soo socda iyada oo UEFA ay wali ku adkaysanayso dhaqan gelinta sharciyadeeda lahaanshaha kooxaha badan.

United ayaa qarka u saarneyd inay weyso kubada cagta Yurub xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii ay ku dhameysatay kaalinta sideedaad ee kala saraynta Premier League 2023-24, laakiin wax walba ayaa isbedelay markii kooxda Erik ten Hag ay 2-1 kaga badisay Manchester City finalka FA Cup Sabtidii.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo y guulaysteen waxa Europa League ka hor istaagi ara xeer u yaala UEFA.

UEFA waxay leedahay sharciyo adag oo ku saabsan lahaanshaha kooxo badan, oo loogu talagalay inay ka hortagto laba kooxood oo ay leeyihiin hal urur inay ku tartamaan hal tartan.

Sir Jim Ratcliffe waa qayb ka mid ah milkiilaha Red Devils, saamiga lahaanshaha ayaa halis gelin kara rajada United ee tartanka Yurub xilli ciyaareedka soo socda.

Marka laga soo tago lahaanshaha saamiga Man United, bilyaneer Ingiriis ayaa sidoo kale leh kooxda Ligue 1 ee Nice, taasoo u soo baxday 2024-25 Europa League iyadoo ku dhameysatay kaalinta shanaad ee horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Mirror, UEFA ma ogolaan doonto kooxaha leh milkiilayaasha maamula in ka badan 30% koox kasta inay ku tartamaan hal tartan.

Sidaa darteed, ilaa Ratcliffe uu helo xal uu ku buuxiyo xeerarka UEFA Ayaa kooxaha Nice ama Man United u dhaadhicin doona tartanka Europa Conference League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga