Kylian Mbappe Oo Shaaca Ka Qaaday Wakhtiga u Shaacin Doono Kooxdiisa Cusub.

Kylian Mbappe ayaa xaqiijiyay in taageerayaashu ay filan karaan xaqiijinta rasmiga ah ee kooxdiisa cusub “maalmaha soo socda”.

Weeraryahanka reer France ayaa sabtidii ciyaaray kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee Paris Saint-Germain isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay kor u qaadaan Coupe de France oo ay garaaceen kooxda Lyon.

Inkastoo uu xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxdiisa haatan, Mbappe ayaan weli shaaca ka qaadin kooxda uu ku biiri doono.

Sida la sheegay, Mbappe ayaa si weyn loo filayaa inuu beeca xorta ah ugu biiro Real Madrid, 25-sano jirkaan ayaa dhawaan la weydiiyay sababta uusan weli u magacaabin meesha uu ku wajahan yahay.

“Maxaa yeelay waxaan u maleynayaa in waxa ugu fiican ee la sameeyo ay tahay in la dhammeeyo macsalaameynta,” Mbappe ayaa yiri ka dib guushii Coupe de France

“Waxa kaliya ee aan doonayay waxa ay ahayd in aan si fiican u dhamaysto xilli ciyaareedka”.

“Waqti ayaa jira wax walba, waxaan ku dhawaaqi doonaa kooxdeyda cusub waqtigeeda, maalmo yar ayey naga harsan tahay sidaas darteed wax dhib ah ma jiraan”.

Isaga oo la waydiiyay in mustaqbalkiisa la dhamaystiri doono ka hor Euro 2024 xagaagan, xiddiga reer France ayaa ku daray: “Weli ma aqaano, wali waxaa jira tafaasiisha qaar. Waxa ugu muhiimsan ayaa ahaa in aan guulaysto koobka ugu dambeeya”.

Mbappe ayaa ka tagay PSG isagoo dhaliyay 256 gool iyo 108 caawin 308 kulan todobadii sano ee uu joogay Parc des Princes.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga