DEG-DEG: Garoonka Marti Galin Doona Furitaanka Koobka Adduunka Oo La Shaaciyay.

Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa daaha ka qaaday garoonka lagu furayo ciyaaraha Koobka Adduunka 2026, kaasoo lagu qaban doono qaaradda Waqooyiga Ameerika.

Koobka Adduunka 2026 waxaa lagu qaban doonaa seddex wadan: “America, Canada iyo Mexico” oo si wada jir ah loogu qaban doono.

Garoonka caanka ah ee Azteca Stadium ee ku yaala magaalada Mexico City ee dalka Mexico ayaa lagu qaban doonaa kulanka furitaanka koobka adduunka.

Ciyaarta furitaanka ayaa la qorsheeyay in lagu qabto June 11, 2026, garoonka Azteca, oo horay u martigeliyay laba koob oo adduun.

Ciyaarta ugu dambeysa ee Koobka Adduunka 2026 ayaa lagu qaban doonaa New York, New Jersey, July 19.

Waxaa xusid mudan in saddexda kulan ee ugu horreeya Koobka Adduunka, sida ay u kala horreeyaan, lagu qaban doono garoomada “Azteca” ee Mexico 11-ka Juun, “Los Angeles” ee Ameerika, iyo “Toronto” ee Canada 12-ka isla bishaas.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga