Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Final-ka Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Dortmund.

Halkan kaa bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay lix koob oo Champions League ah tan iyo 2014, hal ayaa ka badan kooxaha kale marka la isku daro muddadan (Barcelona, ​​Liverpool, Bayern München, Chelsea iyo Man City).

Real Madrid ayaa guuldarro la’aan ku dhamaysatay xilli ciyaareedka Champions League markii ugu horreysay taariikhdeeda, Waa kooxdii 2-aad ee Isbaanishka ee ku guuleysata koobka iyagoo aan laga badinin ka dib Barcelona 2005/06.

weeraryahan Real Madrid ee Vini Jr ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa taariikhda ee gool ka dhaliya labo final oo Champions League ah ka dib markii uu sidaas sameeyay 2022 vs Liverpool, isagoo dhaafay rikoorka Leo Messi (23a 338d ee 2011).

Dani Carvajal ayaa noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee Real Madrid u dhaliya Gool final-ka champions League.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga