Xaqiiqooyinka Kulanka Semi-Final-ka FA Cup-ka Ee Man City Iyo Chelsea.

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan ayaa dhexmaraya kooxaha Chelsea iyo Man City.

Labada kooxood ayaa ku kulmi doona Semi-final-ka FA Cup-ka kulan ka dhacaya Wembley.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka kulanka:

Man City ayaan laga badin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay chelsea tartamada oo dhan inkasta oo ay bar-baro galeen labadii kulan ee xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa laga reebay 5 Ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay FA Cup-ka la ciyaartay Man City, iyada oo ay ku jiraan kulankii wareega 3-aad ee xilli ciyaareedkii hore.

Kulankan waa 7-dii kulan 8-dii xilli ciyaareed ee ay Man City ciyaartay Semi-final-ka FA Cup-ka halka ay nooqnayaan kooxdii ugu horaysay ee 6 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah tartanka.

Kulankan waxa uu noqon doonaa kulankii 27-aad ee chelsea ciyaartay FA Cup-ka Semi-final-ka Tatranka kaliya Man United oo 32 jeer gaadhay tartanka iyo Arsenal oo gaadhay 30 kulan ayaa ka badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga