Xaqiiqooyinka Kulanka Ay Arsenal Martida U Noqonayso Wolves Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa booqan doonta kooxda Wolves kulsn ks tirsan horyaalka premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha premier League.

Hadaba Halkan Kaga Bogo xaqiiqooyinka kulanka:

Kadib markii ay 2 guul ka gaadheen Arsenal 2020/2021, Wolves ayaa haatan laga badiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee Ay la ciyaartay Gunners iyaga oo ku fashilmay in ay wax guul ah dhaliyaan.

Arsenal ayaa dhalisay gool 32-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Wolves tartamada oo dhan waana rikoodhkooda ugu dheer ee ay koox ku leedahay koox kale.

Wolves ayaan wax guul ah gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambaysay premier League inkasta oo ay badiyeen 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee garoonkooda ay la ciyaareen kooxaha hogaaminaya horyaalka.

Arsenal ayaa shabaqeeda ilaashatay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka waana kulamadii ugu badnaa tan ilaa February ilaa April 1997.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga