Ilkay Gundogan Oo Digniin U Diray Real Madrid Ka Hor Kulanka El-Clasico.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Ilkay Gundogan ayaa sheegay in ay kooxdiisu isku dayi doonto in ay garaacdo Real Madrid kadib markii ay ka hadheen champions League.

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay El Clasico ee ay la ciyaari doonto Real Madrid Axada kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu Stadium.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli adag kooxda Barcelona, ​​maadaama ay ciyaareyso maalmo kadib markii ay si xanuun badan uga soo hartay tartanka Champions League.

Gundogan ayaa yidhi”Niyad ayaa noo dagan haatan, waxa aan soo dhamaysanay tababar, waxa aan haatan isha ku haynaa kulamada soo socda”.

“Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay sida kooxaha ugu guulaha badan ay u horumariyaan waxana aan doonaynaa in aan horay u socono”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dhammaan waxaan halkaan u joognaa inaan kooxda ka dhigno mid wanagsan, si aan kooxda u dhigno booska ugu macquulsan oo aan guulo ka gaarno, qof walba waa uu isku raacay tan iyo maalintii iigu horreysay ee aan halkaan joogo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga