Hordhac: Liverpool Vs Man City Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Caawa

Kulanka ugu xiisaha badan Premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Man City kulan ka dhici doona Anfield.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ku qasban in ay guul ka gaadhaan kulanka hadii ay doonayaan in ay la wareegaan hogaanka premier League.

Kulanka: Liverpool Vs Man City

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 6:45

Garoonka: Anfield:

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 20-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Manchester City kula ciyaartay garoonka Anfield (13 guul iyo 6 bar-baro).

Si kastaba ha ahaatee, guusha kali ah ee Reds siddeedii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay City waxa ay aheyd 1-0 xilli ciyaareedkii hore.

Kaliya labo ka mid ah 30kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ayaa badisay kooxda martida loo ahaa.

20-kii guul ee ay Liverpool ka gaartay horyaalka Premier League ilaa hadda xilli ciyaareedkan waxa ay bar-bareysay guulihii xilli ciyaareedkii hore oo dhan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga