Warbixin: The Athletic oo saadaalisay 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya Ballon d’Or 2026

Majaladda The Athletic ayaa soo saartay qiimeyn ay ku saadaalisay 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya tartanka Ballon d’Or 2026, waxaana liiska ka muuqday magacyo waaweyn oo kubadda cagta caalamka ah.

France Football ayaa horay u shaacisay 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarinta, iyadoo la filayo in ku guuleystaha lagu dhawaaqo bisha Oktoobar magaalada London.

Waxa ugu weyn ee liiskan lagu arkay ayaa ah in Harry Kane, weeraryahanka Bayern Munich iyo xulka England, loo saadaaliyay inuu noqdo ciyaaryahanka ku guuleysta Ballon d’Or 2026.

Kane ayaa kaalinta koowaad ka galay qiimeynta The Athletic, halka saaxiibkiis Bayern Munich Michael Olise uu galay kaalinta labaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga