Ayoub Bouaddi oo ka hadlay kulanka Manchester United: “Waa mid ka mid ah kulamada ugu muhiimsan”

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Ayoub Bouaddi, ayaa ka hadlay kulanka adag ee kooxdiisa uu la ciyaari doono Manchester United, kaas oo Axadda lagu ciyaari doono garoonka Old Trafford.

Bouaddi ayaa kulankan ku tilmaamay mid ka mid ah kulamada ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay in isaga iyo kooxdiisu ay doonayaan inay guul ka gaaraan Manchester United.

Markii wax laga weydiiyay kulanka Manchester United, Bouaddi wuxuu si cad u sheegay muhiimadda ay ciyaartu u leedahay kooxda iyo taageerayaasha, Wuxuu yiri:- “Waa mid ka mid ah kulamada ugu muhiimsan, haddii uusan ahayn kan ugu muhiimsan sannadkan.”

Bouaddi ayaa intaas ku daray in kulanku uu wax badan uga dhigan yahay taageerayaasha iyo ciyaartoyda, isla markaana Manchester City ay doonayso inay guul ka gaarto Old Trafford, Wuxuu sheegay inay kooxda siin doonaan wax kasta oo ay awoodaan si ay saddexda dhibcood u helaan.

Bouaddi wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Manchester City ay tahay inay sii waddo qaabkii ay ugu ciyaartay kulankii Porto, Inkasta oo uu qiray in aan la saadaalin karin waxa dhici doona mustaqbalka, haddana wuxuu sheegay in himilada kooxdu ay tahay inay kulankiiba guul raadiso, islamarkaana ay diyaar u noqon doonto dhammaan xaaladaha ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga