WARBIXIN: Scholes, Robben, Cruyff & Halyeeyo Ku Soo Laabtay Ciyaaraha Kadib Markii Ay Horay Uga Fadhiisteen.

Xitaa xaaladooda dhaqaale xumo ee ay ku jiraan kooxo yar Ayaa awood u leh in ay iska diidaan xiisaha Barcelona.

Si la mid ah, waxay u muuqataa In Goolhayihii hore ee Juventus Wojciech Szczesny oo ciyaaraha Ka fadhiistay uu Ka Soo laabanayo si uu ugu biiro kooxda Barcelona.

Wojciech Szczesny Ayaa qalinka ku duugaya heshiis ha sano ah oo ku joogayo kooxda Barcelona.

Laakiin ma ahan xiddigii ugu horeeyay ee Ku Soo laabta ciyaaraha kubada cagta kadib markii uu horay uga fadhiistay.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigo ku soo laabtay ciyaaraha kadib markii ay horay uga fadhiisteen.

Paul Scholes:

Halyeeyga Man United Paul Scholes ayaa adduunka kaga yaabsaday markii uu kooxdiisa Man United u ciyaaray kulan ay la ciyaareen Man City bishii January 2012.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ciyaaraha ka fadhiistay xilli ciyaareedkii ka horeeyay laakiin 2 bilood kadib waxa uu diyaar u noqday in uu kooxdiisa u ciyaaro isaga oo xilli ciyaareedkaas ciyaaray 21 kulan.

Marc Overmars:

Inkasta oo uu 31 sano kaga fadhiistay ciyaaraha hadana xiddigii hore ee Barcelona iyo Arsenal ayaa ciyaaray kulan 4 sano kadib lagu macasalaamayanayay Halyeeyga ay saaxiibka yihiin ee Jaap Stam.

Arjen Robben:

Kadib xirfad cajiib ah oo uu ku soo qaatay kooaha chelsea, Real Madrid iyo Bayern Munich, Robben ayaa ciyaaraha ka fadhiistay xagaagii 2019 si kasta ha haatee sanad kadib waxa uu ku soo laabtay ciyaaraha isaga oo ku biiray kooxda  FC Groningen.

Landon Donovan:

Inta badan xiddigaha ku soo laabta ciyaaraha marka ay ka fadhiistaan waa hal sano iyo wax la mid ah laakiin Landon Donovan waxana uu ku soo laabtay ciyaaraha laba jeer oo kala duwan.

Jens Lehmann:

Dhaawac soo gaadhay Szczesny ayaa keentay in uu Jens Lehmann ku soo laabto ciyaaraha isaga oo Arsenal ku soo laabtay bishii March ee sanadkii 2011.

Johan Cruyff:

Mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn ee jiilkiisa ama jiil kale, Johan Cruyff ayaa rajeynayay inuu ku raaxaysto ka fadhiisiga ciyaaraha isaga oo ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo 31 sano jir ah Si kastaba ha ahaatee, dhawr bilood ka dib, wuxuu ku soo laabtay kadib markii laga dhacay intii badnayd lacagtii uu samaysay xirfadiisa ciyaareed.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga