WARBIXIN: Saddex Sabab Oo Uu Cole Palmer U Yahay Saxiixa Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka.

Xiddiga kooxda chelsea ee Cole Palmer ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo dhaliyay saddexley kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ka badisay Man United.

Ma ahan markii ugu horaysay ee uu wacdaro dhigo xilli ciyaareedkan maadama uu Palmer yahay xiddiga riixaya kooxda chelsea xilli ciyaareedkan oo dhan.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo muujiyay in uu u qalmo lacagtii laga soo bixiyay.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo uu u yahay saxiixa ugu fiican xilli ciyaareedka.

Jabinta Rikoodhada:

Qaab ciyaareedka Palmer xilli ciyaareedkan waxa si joogto ah u jibinayaa rikoodhada.

Saddexleydii uu dhaliyay ayaa goolashiisa kor ugu qaaday 16 gool waxana uu kaliya 2 gool ka dambeeyaa xiddiga Haaland.

Xiddiga ayaa kaligiis ka goolal badan xiddigaha weerarka uga ciyaara chelsea ee Christopher Nkunku & Nicolas Jackson.

Kulankii Burnley waxa uu noqday kaliya xiddigii 5-aad ee 20 gool ku lug lahaada xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya.

Hal Gacan ayaa dhabarka ugu xidhan:

Inkasta oo uu Palmer ku jiro Qaab ciyaareed cajiib ah hadana Blues ayaan ku jirin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Palmer ayaa kaligiis riixaya kooxda chelsea iyada oo inta kale ee kooxdu si weyn u dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan.

In Uu Aamusinayo dadkii Ka Shakisanaa Awoodiisa:

Markii ay chelsea la soo saxiixatay Palmer dad badan ayaa shaki galiyay ujeedada saxiixa xiddiga.

Dad badan ayaa aaminsanaa in saxiixa xiddigu uuna macno u samayn kooxda chelsea maadama uuna xiddigu lahayn khibrad kooxda 1-aad ah.

Palmer ayaa ka soo baxay Ademiyada Man City isla markaas ma uusan ciyaarin kulamo badan oo lagu qiimayn karo.

Lakaiin xiddiga ayaa muujiyay awoodiisa waxana uu aamusiyay dadkii ka shakisanaa waxana uu sheegay in uu yahay xiddig la isku halyn karo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga