WARBIXIN: Kooxdee Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Hadii Ay Man City & Arsenal Wax Walba Isku Mid Ka Noqdaan.

Yaa noqon doona horyaalnimada Premier League haddii Arsenal, iyo Manchester City ay ku dhammaystaan isku dhibco iyo farqiga goolasha.

Xilli ciyaareedka 23/24 ayaa ah xilli ciyaareed taariikhi ah marka la eego tartanka adag ee ka dhexeeya labada kooxood.

Gunners ayaa haatan hogaanka horyaalka ku haysa 86-dhibcood,halka ay Man City leedahay 85 laakiin kulan ayaa baaqi  ah.

Arsenal ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka markii ay ka badisay kooxda Man United kulan ka dhacay Old Trafford.

Dhinaca kale Man City ayaa ka badisay Fulham laakiin waxa y haysataa hal ulan oo baaqi ah.

Sida ay BBC-da ku warantay, haddii Arsenal Iyo Man City ku dhammaystaan dhibco isku mid ah iyo waliba farqiga goolasha oo isku mid ah waxa lagu kala saari doonaa kulamada fool-ka foolka ah iyo waliba goolasha ugu badan ee martida ee ay iska dhaliyeen kulamadii ay wada ciyaareen.

Hadii ay taasi dhacdo kooxda Arsenal ayaa ku guulaysan doonta horyaalka premier League maadama Ay Man City kaga badisay Emirates.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga