DEG-DEG: Xiddigii Ugu Horeeyay Man United Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Kooxda.

Manchester United ayaa ku dhawaaqday in Raphael Varane uu ka tagi doono kooxda dhamaadka xili ciyaareedkan xilli la filayo in xagaaga is badal eyn ka dhoco Old Trafford.

Varane ayaa United kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2021, wuxuuna ka tagi doonaa Old Trafford marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka June.

Mid ka mid ah daafacyada ugu fiican kubada agta ayaa ka caawiyay United inay ku guuleysato Carabao Cup xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga ayaa la dhibaatoonaya haawacyo xilli ciyaareedkan waxana uu tartan kula jiraa wakhtiga si uu taam ugu noqdo kulanka Final-ka FA Cup-ka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City.

31 jirkaan ayaa saftay 93 kulan seddexdii xilli ciyaareed ee uu joogay Manchester, isagoo ku soo bilowday 24 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Waxa uu kooxda uga tagi doonaa kooxda aab or ah kadib markii u ku dhibaatooday in uu la qabsado kooxda.

Farriin uu u diray taageerayaasha United oo muuqaal ah oo lagu faafiyay baraha bulshada, Varane ayaa yiri:”Waxaan idin leeyahay, taageerayaasha Manchester United”.

“Waxay ahayd sanado cajiib ah in aan u ciyaaro kooxdan gaarka ah oo aan xidho funaanaddaas. Markii ugu horeysay ee aan tago Old Trafford anigoo ciyaaryahan Manchester United ah waxay ahayd mid waalan; jawigu wuxuu ahaa mid cajiib ah”.

“Waxaan jeclaaday kooxda, taageerayaasha. Waa inaad u ciyaarto Man United si aad u fahanto waxa ay taasi u taagan tahay. Carruurtayda, halkan waa guriga. Waxay ii noqon doontaa meel gaar ah nolosha”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga