WARBIXIN: Horyaalada Suuqa Galiyay Lacagta Ugu Badan Bishii January Oo La Soo Saaray.

Horyaalka Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Bishii January.

Waxa soo xidhmay Suuqa January iyada oo la soo gaba-gabeeyay bil si weyn kooxuhu suuqa gu jireen.

Kooxo badan oo kala duwan ayaa lacag badan suuqa galiyay si ay u xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Horyaalka Premier League ayaa ah horyaalka lacagta ugu badan suuqa galiyay bishii January.

Kooxaha premier League ayaa suuqa galiyay lacag dhan £382.8M kadib markii ay sameeyeen saxiixyo badan.

Waxa ku xiga horyaalka sucuudiga ayaa suuqa galiyay lacag dhan £139.8M oo ay saxiixyo ku sameeyeen.

Waxa ku xiga horyaalka Talyaaaniga oo suuqa galiyay lacag dhan £190.5M halka uu ku xigo horyaalka Germany oo suuqa galiyay £141.3M.

Horyaalka Spain ayaa suuqa galiyay lacag dhan £21.7m oo euro halka horyaalka France oo suuqa galiyay lacag dhan £167.9M.

Horyaalka Netherlands ayaa suuqa galiyay £12.3M         halka uu ugu dambayn horyaalka Portugal suuqa galiyay £41.6M

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga