XASAASI: Arsenal Oo Doonaysay Xiddig U Soo Ciyaaray Chelsea Maalintii Ugu Dambaysay Suuqii January.

Isku daygii Arsenal ee ahaa inay la soo wareegto weeraryahan cusub bishii January waxa ay keentay in ay isku daydo in ay la soo saxiixato xiddigii hore ee kooxda Chelsea Alvaro Morata isbuucii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Arsenal ayaa todobaadkii hore la ciyaartay Girona kulan ka tirsanaa champions League, maamulka Arsenal ayaana wadahadalo qaatay wakiilka xiddiga Morata.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Arsenal ayaa wakiilka xiddiga Morata Wax ka waydiisay helitaankiisa suuqa January.

Si kasta  ahaatee heshiiska ayaan horay u socon sabab la xidhiidha in ay Arsenal kaliya doonaysay saxiixa xiddiga Morata.

Laakiin Ac Milan ayaa doonaysay in ay si toos ah u iibiso xiddiga 32 jirka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga