WARBIXIN: Buffon, Zlatan, Ronaldo, Totti & Halyeeyada Aan Waligood Ku Guulaysan Champions League.

Champions League waa tartanka xiddig kasta ku fikiro ama ku riyoodo in uu ku guulaysto sanad kasta marka la bilaabayo tartanka.

Laakiin waxa jira xiddigo magac ku leh taariikhda isla markaas halyeeyo kubada cagta ah oo aan waligood gacanta ku dhigin koobka.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa Halyeeyo aan waligood nasiib u yeelan in ay ku guulaystaan champions League.

1.Gianluigi Buffon:

Waa wax laga xumaado in la arko in mid ka mid ah goolhayayaashii ugu fiicnaa abid uu awoodi waayay inuu gacanta ku dhigo koobka Champions League xitaa ka dib markii uu ciyaaray seddex final.

2.Zlatan Ibrahimovic:

Zlatan ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu wanaagsan Yurub, waana ciyaaryahan leh dhaqamo raac ah inkastoo uusan ku guuleysan sharafyo waaweyn oo heer caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu nasiibka xun ee aan waligood ku guuleysan Champions League.

3.Ronaldo (Brazil)

Mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan kubbadda cagta adduunka, Waxa uu bur-buriyay kooxo badan oo ka ciyaara champions League.

Waxa la odhan karaa waa xiddig u qalma ku guulaysiga tartanka laakiin nasiib xumo uma suurtaglin in uu gacanta ku dhigo koobka.

4.Francesco Totti:

Halyey kale oo ku jira liiska ciyaartoyda ugu sareysa ee aan waligood ku guuleysan Champions League, Francesco Totti ayaa ahaa ciyaaryahanka ugu daacadsan kubada cagta.

Totti xirfadiisu waxay soo socotay 1992 ilaa uu ka fariistay 2017; waxaana had iyo jeer lagu xasuusan jiray inuu ahaa ciyaaryahankii ugu daacadsanaa kooxdii uu jeclaa ee AS Roma.

Totti waxa uu ku guulaystay wax walba isaga oo u ciyaara kooxda As Roma marka laga reebo champions League.

5.Rudd van Nistelrooy:

Rudd van Nistelrooy ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa mid ka mid ah goolasha ugu badan ee ciyaarta ka dhaliyay. Waxa uu u soo ciyaaray labada kooxood ee ugu waaweyn Manchester United iyo Real Madrid.

Inkastoo uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu sareysa taariikhda hadana waligiis kuma guulaysan tartanka champions League.

6.Michael Ballack:

Michael Ballack wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ugu fiican ee soo maray kubada cagta laakiin nasiib xuma waxa uu champions Legaue u ciyaaray 4 kooxood oo kala duwan midkoodna kulama guulaysan champions League.

7.Pavel Nedved:

Pavel Nedved wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu sarreeyay Juventus, kaasoo kooxda ka caawiyay ciyaaro badan oo muhiim ah. Si kastaba ha ahaatee, Nedved ayaa ku jira liiska ciyaartoyda aan waligood ku guuleysan Champions League.

8.Eric Cantona:

Waxaa ku xiga liiska ciyaartoyda ugu sareysa ee aan waligood ku guuleysan Champions League waa halyeygii Manchester United ee 90-meeyadii.

Inkasta oo uu taariikh weyn ku leeyahay kooxda Man United kulana guulaystay horyaalo badan hadana waxa uu ku fashilmay in uu kooxda kula guulaysto tartanka champions League.

9.Cesc Fabregas:

Mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu tayada wanaagsan jiilkiisa, Cesc Fabregas ayaa u soo ciyaaray kooxaha ugu sareeya Yurub oo ay ku jiraan Arsenal, Barcelona iyo Chelsea.

Xiddiga reer Spain ayaa Barcelona kula guulaystay koobab waa wayn sida UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup laakiin wali wuu ku guul daraystay in uu gacanta ku dhigo champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga