WARBIXIN: 6 Xiddig Oo Laga Reebay Tartanka Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Premier League.

Horyaalka Premier League ayaa soo saaray 8-da musharax ee u sharaxan abaal marinta xiddiga sanadka.

Arsenal iyo Manchester City ayaa min laba musharax ku leh abaalmarinta iyaga oo ku leh xiddigaha Martin Odegaard, Declan Rice, Phil Foden iyo Erling Haaland.

Xiddigaha kale ee ku tartamaya abaalmarinta ayaa kala ah Alexander Isak oo Newcastle u ciyaara xiddiga Chelsea e Cole Palmer, daafaca Liverpool Virgil van Dijk iyo xiddiga Aston Villa ee Ollie Watkins.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira tiro ciyaaryahano ah oo aan la magacaabin kuwaas oo u qalmay in ay u tartamaan abaalmarinta marka la eego qaab ciyaareedka fiican ee ay soo bandhigeen.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigo u qalmay in ay u tartamaan abaalmarinta laakiin laga eebay.

1.Mohamed Salah:

Waa wax lala yaabo in Salah uuna xitaa u tartamin abaalmarinta marka la eego qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay Salah ayaa dhaliyay 18 gool halka uu caawiye ahaa 10 kale.

2.Gabriel:

Arsenal ayaa heysata rikoorka daafaca ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan, sidaasi darted way adagtahay in Gabriel Laga reebo abaalmarinta arka loo eego in uu door weyn ka ciyaaray xilli ciyaareedka Arsenal.

3.Rodri:

Xiddiga ayaan66 kulan laga badin kooxdiisa marka uu ku bilowdo shaxda Waxana uu haystaa rikoodhka ugu fiican ee guuldaro la’aanta.

4.Bukayo Saka:

Sida Salah, way adagtahay in Saka uuna ka mid ahayn xiddigaha u tartamaya abaalmarinta marka la eego in uu dhaliyay 16 gool 9 kalena caawiye ka noqday waana xiddiga ugu goolasha Badan Arsenal.

5.Dominic Solanke

6.Jarrod Bowen

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga