WARBIXIN: 5 Meel Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Chelsea Iyo Liverpool Final-ka Carabao Cup-ka.

Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona Wembley Axada iyaga oo ku dagaalami doona ku guulaysiga Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa kulmay wax ka yar 2 bilood ka hor iyada oo Liverpool ku badisay 4/1 laakin sidoo kale is badashay maadama uuna Klopp kooxdiisa u arkin kuwo ugu cad-cad kulanka.

Liverpool ayay ku habsadeen dhaawacyo iyada oo laga yaabo in ay kulanka ka maqnaadaan ugu yaraan 10 xiddig oo kooxda 1-aad ah.

Chelsea ayaa dhinaceeda dib u helaysa kalsooni iyaga oo kulan lama filaan ah dhibco ka reebtay Man City.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan 2-da kooxood.

Malo Gusto vs Luis Diaz:

Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ayaa labadooduba shaki weyn ku jiraa inay diyaar u yihiin kulanka halka Diogo Jota la xaqiijiyay in uu seegayo kulanka ka dib markii uu soo gaaray dhaawac fool xun kulankii Brentford.

Haddaba waxaa jirta fursad xooggan oo uu garabka reer Colombia ee Luis Diaz u noqon karo bartilmaameedka weerarka Liverpool ee garoonka Wembley.

Diaz waa inuu ka soo baxaa dhanka bidix ee uu jecel yahay, halkaas oo uu ka hor tagi doono xiddiga Malo Gusto. Laacibka reer France ayaa dhawaan sameeyay shaqo fiican kadib markii uu joojiyay xiddiga Man City ee Jeremy Doku.

Dareenka weerarka Gusto ayaa sidoo kale u baahan doona inuu raad raaco Diaz, kaasoo aan awoodin inuu iloobo waajibaadkiisa daafaca.

Enzo Fernandez vs Alexis Mac Allister:

Chelsea ayaa ahayd kooxda 2-aad wax walba oo ku saabsan khadka dhexe kulankii labada kooxood ee hore waxana sabab u ahaa khadka dhexe ee labada kooxood.

Xiddigaha Khakdka dhexe ee chelsea ayaa ku dhibaatooday in ay joojiyaan xiddiga Alexis Mac Allister kaas oo maamulayay khadka dhexe.

Labada xiddig ee Fernandez iyo Alexis Mac Allister ayaa mar kale go’aamin kara kulanka sabab la xidhiidha khadka dhexe.

Nicolas Jackson vs Virgil van Dijk:

Nunez ayaa laga yaabaa in uuna taam noqon laakiin kulanka waxa diyaar u ah xiddiga Nicolas Jackson kaas oo saamayn weyn ku yeelan kara werarka.

Xiddiga reer Senegal ayaa ka hor iman doona kabtanka Liverpool ee Van Dijk kaas oo dhinaciisa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Moises Caicedo vs Wataru Endo:

Dad badan ayaa la yaabay markii ay Liverpool isaga hadhay baacsiga Moises Caicedo Isla markaas badalkiisa u dhaqaaqday xiddiga Wataru Endo laakiin Endo ayaa adduunka tusay in uu ka fiican yahay xiddiga khadka dhexe ee ugu qaalisan adduunka.

Cole Palmer vs Andy Robertson:

Palmer ayaa la odhan karaa waa xiddiga ugu fiican chelsea marka la eego saamaynta uu ku leeyahay kooxda chelsea tan ilaa markii uu yimid.

Xiddiga da’yarka ah ayaa noqon kara xiddiga halista ugu weyn ku noqon kara goolka Liverpool waxana uu ka hor iman doonaa xiddiga Robertson.

Robertson ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawaca walina ma soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga