BANDHIG LIITA :- Liverpool oo kuftay kulankeedii 2aad ee xiriir ah horyaalka & Qaab ciyaareed liita ?

Liverpool ayaa sii wadday bilowgeeda liita ee Premier League xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay barbaro 2-2 ah la gashay Nottingham Forest kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee horyaalka, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Anfield, kooxda martida ahayd ee Nottingham Forest ayaa ciyaarta ku bilaabatay si geesinimo leh, waxayna hoggaanka qabatay daqiiqaddii 24-aad markii Dan Ndoye uu ka faa’iideystay qalad ka dhacay difaaca Liverpool, isagoo shabaqa soo taabtay.

Qeybtii labaad ayay Liverpool sare u qaaday weerarka, waxaana daqiiqaddii 60-aad goolka barbaraha u dhaliyay Alexander Isak, kaasoo si qurux badan uga faa’iideystay caawin uu ka helay Jeremie Frimpong, si kastaba ha ahaatee, Forest ayaa mar kale hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 70-aad, markii garsooruhu u dhigay rigoore, waxaana si deggan u dhaliyay Morgan Gibbs-White, taasoo ka dhigtay natiijada 2-1.

Liverpool ayaan quusan, waxaana daqiiqaddii 82-aad goolka barbaraha u dhaliyay Víctor Muñoz, kaasoo kubbad xooggan oo gudaha diilinta ganaaxa ah ka toogtay, isagoo ka badbaadiyay Reds guuldarro kale.

Barbardhacan ayaa ka dhigan in Liverpool ay laba kulan kadib haysato 2 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 10-aad ee kala sarreynta Premier League, dhanka kale, Nottingham Forest ayaa heshay dhibicdeedii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka, iyadoo fadhisa kaalinta 12-aad, natiijadan ayaa cadaadis hor leh saareysa Liverpool iyo tababareheeda Andoni Iraola, maadaama kooxdu aysan weli gaarin guusheedii ugu horreysay ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga