Enzo Fernández ayaa la sheegay inuu heshiis afka ah la gaaray Manchester City oo ku saabsan shuruudaha shaqsiga, iyadoo City ay doonayso inay xiddiga reer Argentina ka soo qaadato Chelsea.
Si kastaba, heshiiska labada kooxood weli lama gaarin, maadaama Manchester City aysan wali Chelsea u gudbin dalab rasmi ah, Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xiriirrada labada kooxood ay dhawaan bilaaban doonaan, iyadoo Chelsea ay go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonto qiimaha ay ku iibinayso ciyaaryahankeeda.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso ugu yaraan £120 milyan, waxaana jira warar sheegaya in qiimaha laga yaabo inuu xitaa ka sarreeyo intaas.
Dhanka kale, Enzo Fernández ayaa mar kale laga yaabaa inuu ka maqnaado Chelsea dhammaadka toddobaadkan, iyadoo mustaqbalkiisa kooxda London uu sii noqonayo mid aan la hubin.
Be the first to comment