Karim Adeyemi oo kulankiisii ugu horeeyey usaftay Barcelona & Natiijo weji gabax ah oo ay lakulantay

Kooxda Barcelona ayaa guuldarro ku bilaabatay kulamadeeda saaxiibtinimo ee xilli ciyaareedka cusub, kadib markii ay rigoorayaal 3-2 uga adkaatay Birmingham City, halka 90-kii daqiiqo ay ciyaartu ku dhammaatay barbaro 2-2.

Si kastaba ha ahaatee, guuldarrada kooxda waxaa iftiinka ka xaday weeraryahanka cusub ee Hamza Abdelkarim, kaasoo dhaliyay labadii gool ee Barcelona kulanka, isagoo soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda koowaad.

Tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa si gaar ah u ammaanay Hamza Abdelkarim, isagoo sheegay inuu leeyahay karti weyn isla markaana uu kooxda mustaqbal muhiim ah u noqon karo. Bandhiggiisa ayaa sare u qaaday rajada laga qabo inuu helo fursado badan xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale, ciyaaryahanka da’da yar ee Ibrahim Diarra ayaa ahaa mid kale oo si weyn indhaha u soo jiitay. Xiddiga 16-jirka ah ayaa lagu amaanay xirfaddiisa, xakamaynta kubadda, xawaaraha iyo kalsoonida uu ku ciyaaray, taasoo muujisay inuu yahay mid ka mid ah hibada ugu waaweyn ee ka soo baxaysa La Masia.

Dhanka kale, Marc Casadó ayaa lagu tilmaamay inuu soo bandhigay ciyaar hooseysa, iyadoo la sheegay in wararka la xiriira mustaqbalkiisa iyo suuqa kala iibsiga ay saameyn ku yeesheen qaab ciyaareedkiisa, dhanka kale Kariim Adeyemi wuxuu muujiyay xawaare sare, balse waqtiga uu ciyaaray kuma filna inuu bixiyo qiimeyn buuxda oo ku saabsan bandhiggiisa.

Inkasta oo Barcelona laga adkaaday rigoorayaal, haddana kulankan wuxuu u ahaa Hansi Flick fursad uu ku qiimeeyo ciyaartoyda da’da yar ee kooxda, iyadoo Hamza Abdelkarim iyo Ibrahim Diarra ay noqdeen labada magac ee sida weyn looga hadlay kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga