Wakhtiga Uu Lisandro Martínez Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa warbixin ka soo saartay xaalada xiddiga daafaca uga ciyaara ee Lisandro Martínez.

Lisandro Martínez ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay ka badiyeen West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Ten Hag ayaa dhaawaca ku tilmaamay mid aan fiicnayn waxana uu sheegay in uu sugi doono baadhitaanka.

Kadib baadhitaan lagu sameeyay xaalada xiddiga Lisandro Martínez waxa la ogaaday in uu xiddigu ka dhaawacmay jilibka.

Man United ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyay xiddiga reer Argentine kadib dhaawacii soo gaadhay.

Man United ayaa sheegtay in uu xiddigu ka dhaawacmay jilibka isla markaas garoomada ka maqnaan doono muddo 2 ilaa 2 bilood iyo badh.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu kooxda Man United ku soo laabto kadib fasaxa xulalka ee soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga