DEG-DEG: Chelsea Oo Ka Cabsanaysa In Ay Shaqada Ka Caydhiso Mauricio Pochettino, Sabab.

Chelsea ayaa ka walaacsan in ceyrinta Mauricio Pochettino ku keento in ay jabiso sharciga dhaqaale wanaaga premier League iyadoo xaalada dhaqaale xumo ee kooxda ay soo ifbaxday xilli ay ka fiirsanayaan in ay is badal ku sameeyaan tababaraha.

Heshiiska Tababaraha ayay ka dhimantahay ku dhawaad 18 bilood shaqo ka caydhinta isaga iyo shaqaalihiisa tababarka waxa ay ku qasbaysaa in ay bixiso lacag dhan 10 milyan oo euro.

Lacag kasta oo ay bixiso ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan waxa ay ku keenaysaa in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga xilli ay kooxdu haatanba la dhibaatoonayso lacagtii 1 bilyan ee ay suuqa galisay tan ilaa markii milkiilayaasha cusub kooxda qabsadeen.

Arintan ayaa soo if baxday kadib warar sheegaya in ay chelsea ka fiirsanayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Mauricio Pochettino

Kooxda chelsea ayaa ku jirta xaalad qaab ciyaareed xumo iyaga oo ku dhibaatoonaya horyalka premier Legaue.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga