José Mourinho ayaa hadal xasaasi ah ka jeediyay kiiska Negreira, isagoo dib u xusuustay waayihii uu tababare ka ahaa Spain iyo waxyaabihii uu xilligaas dareemay.
Mourinho oo la hadlayay El Chiringuito ayaa sheegay in markii uu Spain joogay uu dareemayay in ay jiraan waxyaabo aan caadi ahayn oo ku saabsan sida kubadda cagta dalkaasi u shaqeynaysay.
“Markii aan halkan joogay… wax ayaan urin karayay, Aan aragno waxa caddaaladdu sameyso,” ayuu yiri Mourinho.
Tababaraha reer Portugal ayaa sheegay inuusan markaas si cad u ogeyn waxa uu dareemayay ama cidda ka dambeysay, balse uu dareemay arrimo uu u arkayay kuwo aan caadi ahayn.
Mourinho wuxuu hadalkiisa u dhigay qaab kaftan iyo shaki isku jira, isagoo yiri: “Waxyaabo qariib ah ayaan dareemayay, laakiin ma aanan ogeyn inuu ahaa ALIEN (shisheeye) ama cidda uu ahaa.”
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli kiiska Negreira uu weli yahay mid si weyn looga hadlo kubadda cagta Spain, Kiisku wuxuu ku saabsan yahay xiriirka dhaqaale ee Barcelona iyo José María Enríquez Negreira, oo hore u ahaa guddoomiye ku-xigeenkii guddiga garsoorayaasha Spain.
Mourinho, oo waqti dheer si weyn uga dhex muuqday kubadda cagta Spain, ayaa sidaas ku muujiyay in uu horey u dareemay waxyaabo uu u arkayay kuwo shaki leh, balse wuxuu sheegay in ugu dambeyn ay tahay caddaaladda cidda go’aamin doonta waxa dhab ahaan dhacay.
Hadalkiisa ayaa durba dhalin kara dood cusub, maadaama Mourinho uu ka mid ahaa tababarayaashii ugu caansanaa ee si toos ah ula tartamay Barcelona xilligii uu joogay Real Madrid.
Be the first to comment