
Vinicius Junior ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo haatan la wadaaga rikoorka Lionel Messi ee 12 caawin ee wareega 16ka Champions League.
Laacibka reer Argentine waxa uu heerkan gaaray in ka badan 17 sano (77 kulan), isagoo ka soo bilaabay kulankiisii ugu horeeyay ee Bug-baxa UCL ee Barcelona 2006dii.
Taas bedelkeeda, xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid waxa uu rikoodhkaas caawinta ku gaadhay kaliya 5 sano iyo 22 kulan isagoo ka soo bilaabay kulankiisii ugu horeysay ee Ajax 2019 oo uu ku dhamaaday laba caawin oo uu ka sameeyay Manchester City Salaasadii.
Iyadoo ay weli jirto farqi weyn oo dhanka goolasha ah ee u dhexeeya labada, Vinicius ayaa si degdeg ah u fuulay rikoodhkan waxana ay muujinaysaa awoodeeda ciyaareed.
Be the first to comment